Beeldaaje Ismaaciil oo xabad joojin degdeg ah ugu baaqay dhinacyada ku diriraya Galguduud

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka mid ah isimada marjaca ah ee Puntland ayaa ka hadlay xiisad coladeed oo ilaa khamiistii ka soo  cusboonaatay magaalada Dhuusa-mareeb iyo degaanka Guriceel ee gobolka Galguduud.

Beeldaaje Ismaaciil ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhiiga wiilasha dhalinyarada ah ee ku dhimanaya colaad u dhexaysa dhinacyo Soomaaliyeed oo wada-hadal ku dhamayn kara arrinta ay isku khilaafsan yihiin.

Xabbadi xal ma aha. Ha la joojiyo xabbadda, ha la joojiyo dhiigga daadanaya” ayuu yiri Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ku baaqay Xabbad joojin degdeg ah. “ka soo daalnay gabar asay qaadda, ka soo daalnay hooyo gablanta ka soo daalnay Aabe barooranaya.” 

Wuxuu u jeediyay dhinacyada arrintu khusayso, madaxda Galmudug iyo duubabka dhaqanka Galmudug in ay wada-hadal ku dhameeyaan arrimaha jira.

Beeldaaje Ismaaciil ayaa sheegay in dadka Soomaalidu ay ka soo daaleen dagaal iyo xabbad.

Ha loo turo maatada, carruurta iyo hooyooyinka aan baragkaca awoodi karin” ayuu yiri Beeldajaha oo Alle uga baryay inuu xiisadda kala qaboojiyo.

PUNTLAND POST