Ahlu Sunna oo ku eedeeyay dowlada federalka in ay colaad ka hurinayso Galmudug

War qoraal ah oo  ka soo baxay Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlusuna ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladu wado Abaabulka Dagaal markale Dhuusamareeb ka dhaca iyo weerar lagu beegsanayo Madaxda Ahlusunna.

Ahlu sunna ayaa sheegtay in Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan Dhuusamareeb ay si bareer ah u weerareen Xarunta Inji oo ay ku sugan yihiin Hogaankooda sare, iyaga oo Dowladda ku eedeeyay in ay wali wado abaabul kale.

Waxa aan Caddeynaynaa in Ciidamo ka amar qaata DFS ay weerar Bareer ah ku qaadeen Xarunta INJI ay ku sugan yihiin hogaanka ASWJ, taas oo marqaati u ah sida DFS ay ga go’an tahay la dagaalanaka dadkii naf iyo maal u huray ka xoreynta deegaanadaan Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka Ahlu sunna.

Waxa aan caddeyneenaa DFS in ay weli wado abaabul ciidan, iyadoo kasoo daabuleyso Muqdisho iyo deegaanno kale si ay dagaal ugu rido Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayna ka been sheegto howlgalada ay ka wadaan Galmudug”. Ayaa qoraalka la sii raaciyay.

Halkaan ka akhriso qoraalka

PUNTLAND POST