29 Askari oo Turki Ah Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Idlib

Ugu yaraan 29 ciidammada waddanka Turkiga ah ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay gaysteen ciidammada maamulka Suuriya taas ka dhacday waqooyi galbeed ee Suuriya, sarkaal sare oo Turki ah ayaa sidaas sheegay.

Dhowr askari oo kale ayuu dhaawac culus ka soo gaaray weerrarkaasi ka dhacay gobolka Idlib ee waqooyi galbeed Suuriya, barasaabka gobolka Hatay ee waddanka Turkiga, Rahmi Dogan ayaa sidaasi sheegay. Waxaa jira warar kale oo tirada dhimashada intaas ka badinaya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa doonaya in ciidammada Suuriya ay ka durqaan goobaha ay saldhigyada ka sameysteen milateriga dalkiisa. Waxa uu ku goodiyay inuu weerrari doono ciidammada dowladda Suuriya haddii aanay joojin ruqaansiga ay soo wadaan.

Hay’adda ka shaqeysa xuquuqul insaanka Suuriya ee uu fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in ugu yaraan 34 askari oo Turki ah lagu dilay weerarkii cirka ee habeenkii Khamiista dhacay.

Ciidammada dhaawacmay ayaa waxaa dib loogu celiyay dalka Turkiga si halkaas loogu dabiibo

PUNTLAND POST