Rasaas ka socota Dhuusomareeb

Xarunta Inji

Wararka laga helayo magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in halkaas ay caawa ka socoto is rasaaseyn u dhaxaysa ciidamo ka kala tirsan dowladda Federaalka iyo Ahlusunna.

Is rasaaseynta ayaa ku bilaamatay sida la sheegay, markii gaari kasoo baxay xarunta Inji oo ay degan yihiin hoggaanka Ahlusunna, uu isku dayay in uu xoog ku maro bar kontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Federaalka.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa agagaarka xarunta Inji oo maalmihii u dambeeyey ay go’doon ku ahaayeen hoggaam sare ee Ahlusunna.

Wali lama oga wax khasaaro ah oo ka dhashay is rasaaseynta, oo xili habeen ah ka socota magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug.

Dhuusomareeb oo horey u ahaan jirtay meel nabdoon ayaa in dhawaale laga dareemayey, saan saan colaadeed.

Faahfaahin dib kala soco

PUNTLAND POST