Puntland: HARAMCAD haddii ay Gaalkacyo keenaan Shabeel baa u diyaarsan

Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay hawlgal culus oo Booliisku ka bilaabeen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

hawlgalkaasi oo habeen ka hor ka bilowday Garoowe, ayaa Taliyuhu sheegay in lagu qabto dad ka badan 30 ruux oo ay ku tuhunsan yihiin dambiyo kala duwan, kuwaasi oo haatan ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe, islamarkaana dhowaan sharciga la hor-gayn doono.

Gen Muxiyadiin, ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay dib u-habayn ballaaran oo ku socota ciidanka Booliiska Puntland, si loo helo ciidan Booliis ah oo tiro sugan leh.

Taliyaha oo la weydiiyay, waxa Puntland uga qorshaysan, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay magaalada Gaalkacyo keento Booliiska gaarka ah ee loo yaqaanno HARAMCADKA? Ayaa ku jawaabay “ HARAMCAD haddii ay keenaan Shabeel baa u diyaarsan.”

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

©PUNTLAND POST