Nicolas Berlanga oo heshiisiiyey xisbiyada mucaaradka iyo Muuse Biixi

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Hargeysa ayaa heshiiyey xisbiyada Somaliland oo isku khilaafsanaa Guddida doorashooyinka.

Nicolas Berlanga oo kulamo la qaatay saamileyda siyaasada ee Somaliland ayaa maanta goob joog ka ahaa heshiis is afgarad ah oo ay xarunta madaxtooyada ku wada gaareen Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI.

Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa isku afgartay qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland iyo in xisbiyada mucaaridka ahi kusoo buuxiyaan labadii xubnood ee ka dhinaa Guddida cusub ee doorashooyinka Somaliland.

Heshiiska uu garwadeenka ka ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ee madaxweynaha Somaliland iyo hoggaanka Axsaabta mucaaridka ahi kala saxeexdeen, ayaa u qornaaa sidan hoose.


PUNTLAND POST