Mareykanka oo sheegay in aan la aqabli karin ciidamada DFS ku daadgureysay Gedo

Rodney Hunter

Mareykanka ayaa si kulul uga hadlay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya geysay gobolka Gedo iyo khilaafka Jubbaland iyo Federaalka.

Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, oo ka hadlay kulan gaarka ah oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka lahaayeen arrimaha Soomaaliya ayaa ciidamada dowladda Federaalka geysay qeybo ka mid ah gobolka Gedo ku tilmaamay weerar siyaasadeed oo aan la aqbali karin.

“Ciidammada XDS ee sida siyaasadeysan loogu daadgureeyay gobolka Gedo, loogana dagaal geliyay ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taas leexineysaa dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga” ayuu yiri Rodney Hunter.

Sidoo kale Rodney Hunter ayaa tilmaamay in masuuliyadda ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay tahay la dagaalanka Al-shabaab, wuuxuuna Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu soo afajaro duulaanka ciidamada Federaalka ee Gedo.

“Waa lama huraan in dowladda Federaalka iyo xubnaha dowladaha xubinta ka ah amniga ay diiradda saaraan la dagaallanka Al-shabaab, halkii ay ka gali lahaayeen iska-horimaad hubeysan oo midba midka kale uu ku xalliyo khilaafaadka siyaasadeed. Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweyne Farmaajo inuu soo afjaro weerarka Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee Gedo, iyo in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay diirada saaraan wada hadal iyo dib u heshiisiin”  ayuu yiri Rodney Hunter

Hadalka Mareykanka ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Federaalku sheegtay in ciidamada ay geysay gobolka Gedo ay sugayaan ammaanka xuduudaha dalka.

PUNTLAND POST