Baarlamanka Puntland oo la filayo in ay war cad ka soo saaraan Kusimaha madaxweynaha

Golaha Wakiilada dowladda Puntland, ayaa la filayaa  in ay war cad ka soo saaraan muran ka aloosan, cidda noqoneysa ku-simaha madaxweynaha Puntland, marka isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisu ay dalka ka wada-maqan yihiin.

Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadd, ayaa ku muransan cidda noqonaysa ku-simaha madaxweynaha, marka ay maqan yihiin madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Golaha Wakiilada ayaa ku doodaya in haddii labadaasi mas’uul maqan yihiin ay awooddu u laabanayso Guddoonka Baarlamanka.

Sidoo kale , Golaha Xukuumadda ayaa ku doodaya in haddii labadaasi maqan yihiin uu sii hayaha madaxweynaha noqonayo Wasiirka Caddaaladda, islamarkaana aysan wax door ah ku yeelan Karin Golaha Baarlamanka..

Muranka ayaa xoogaystay kadib markii Shalay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame uu madaxweyne Deni ku eedeeyay, in uu ku ciyaaray Hab-maamuuskii dowladnimo, kadib markii uu kusime ka dhigtay wasiirkiisa Caddaaladda.

Abuukaate Ismaaciil oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Garoowe, ayaa sheegay in haddii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu dalka ka maqan yihiin, ay tahay in talada lagu celiyo Guddoonka Baarlamaanka, maadaama Puntland ku dhisan tahay Parliamentary system.

Puntland oo hadda ay dalka dibaddiisa ku wada-maqan yihiin madaxweyne Deni, ku xigeeniisa Axmed Karaash iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Abwaan Cabdirashiid Jibriil, waxaa ku sime madaxweyne ka ah Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta,Dastuurka iyo Dhaqan Celinta Cawil Sheekh Xaamud.

Balse, madaxweyne Deni ayaa la filayaa in uu isla maanta dib ugu soo laabto Puntland kadib safar uu mudda todobaad ah ku joogay dalka Jabuuti, halkaas oo sida la sheegay uu casumaad rasmiya ka helay madaxweynaha Jabuuti.

PUNTLAND POST