Somaliland oo Taliye ka tirsan Puntland ka joojisay bandhig uu ku qaban lahaa Burco

Col. Bashiir Cismaan Cawad

Taliyaha Saldhiga Galbeed ee caasimadda Garoowe Gaashaanle Bashiir Cismaan Cawad, oo haatan ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu ka joojiyay, Bandhig Wacyi-gelin ah oo uu ku qaban lahaa magaalada Burco.

Gaashaanle Bashiir Cawad oo la nool cudurka HIV/AIDS, ayaa laga soo xigtay in Somaliland ka joojisay Wacyi-gelin ku saabsan AIDS-ka, oo uu halkaas ugu qaban lahaa bulshada ku dhaqan Burco, si ay isaga ilaaliyaan cudurkaasi halist ah.

Taliyaha Cawad, ayaa warbaahinta u sheegay in amarka lagu joojiyay bandhigaas wacyi-gelinta ah, uu bixiyay Maayarka degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad), inkastoo uusan faahfaahin sababta loo joojiyay.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in uu doonayo meel kasta oo Soomaali joogto, in uu ka sameeyo wacy-gelinta cudurka HIV/AIDS, si uu dadka Soomaaliyeed ugu baaraarujiyo halista cudurkaas.

Taliye Bashiir Cismaan Cawad, ayaa horay u soo bandhigay sheeko la xiriirta, sida uu ku qaaday cudurka AIDS-ka, oo ay u qarisay gabar ay is-guursadeen, balse markii dambe kala tageen.

Qisadiisa kadib, 1-dii December 2019, madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ,oo markaas ahaa ku simaha madaxweynaha, ayaa Taliye Bashiir u dallacsiiyay derejada Gaashaanle, isagoo ku abaal-mariyay sida uu bulshada uga wacyi-geliyo cudurka AIDS-ka.

PUNTLAND POST