Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay dishay laba kamid ah madaxda Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay  laba kamid ah madaxda sare ee Al-shabaab ku dishay duqeyn dhanka Cirka ah oo lala kaashaday Taliska Ciidamada Maraylanka ee AFRICOM.

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in duqeynta oo laga fuliyay degmada Saakow ee gobolka Jubada, sidoo kale lagu dhaawacay xubin kale oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana lagu baabi’iyay xero ciidan oo Al-shabaab halkaas ku lahayd.

Duqeyntan habeysan ayaa lagu dilay labo ka mid ah madaxda sare ee Al-shabaab halka mid kale na lagu dhaawacay iyada oo lagu baabi’iyey xero ciidan oo ay Al-shabaab halkaa ku lahayd” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

Sidoo kale, qoraalka waxaa lagu sheegay in aysan jirin cid shacab ah oo waxyeello ka soo gaartay duqeyntaas, kadib baaritaan la sameeyay.

PUNTLAND POST