Al-shabaab oo soo bandhigtay Hub iyo gaadiid dagaal oo ay ka furatay dowladda Soomaaliya

Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa mar kale soo bandhigay gaadiid hub saaranyahay iyo saanad ciidan oo ay Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya kaga furteen, weerarkii Khasaaraha badan dhaliyay ee Al-shabaab ka gaysatay degaanka Ceel Saliin ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-shabaab waxay sheegtay in ay ceel saliini ku dileen in ka badan 40 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, islamarkaana qaar kale ay nolosha ku qabteen, hub fara badana ka qaateen saldhigaas Ceel Saliini.

Sawirro ay faafisay Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu soo bandhigay hub iyo saanad cusub oo ay ka furteen ciidamada dowladda Federaalka, kuwaasi oo qeyb ka ahaa hubkii Caalamku ugu deeqay Soomaaliya, balse dowladda Federaalku isku koobtay.

Hubka iyo Saanadda ciidan ee lagu soo qaado magaca Soomaaliya, ayaa dowladda Federaalku diidday in si siman loogu qeybiyo gobollada dalka, iyadoo aysan hubkaasi wax ka soo gaarin Puntland oo kamid ah dowlad goboleedyada dagaalka adag kula jira Argixisada Daacish iyo Al-shabaab.

Dhinaca kale, waxaa soo baxaya walaac baahsan oo Beesha Caalamku ka muujinayso hubka iyo gaadiidka dagaal ee Al-shabaab kala baxayso gacanta dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST