Puntland: Shaqaale mushahar la’aan ka cabanaya

Qaar kamid ah Shaqaalaha dowladda Puntland, oo xiriir la soo sameeyay warbaahinta Puntland Post, ayaa sheegay in aysan wax mushahar ah qaadan mudda ka badan 2 bilood.

Shaqaalaha oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa sheegaya in aysan ogayn sababta wasaaradda Maaliyadda Puntland u siin wayday mushaharkoodii, islamarkaana aysan awoodin in ay arrimahaasi ka hadlaan, maadaama ay ka cabsi qabaan in shaqada laga ceyriyo.

Sidoo kale ilo’ ka tirsan wasaaradda Maaliyadda oo ka gaabsaday in la xigto magacyadooda, ayaa xaqiijiyay in ay jiraan qaar kamid ah Shaqaalaha dowladda Puntland oo aan weli mushaharkooda helin.

Warkaasi ayaa ku soo beegmay, xilli ay jirto cabasho kale oo ka imaanaysa ganacsatada magaalada Gaalkacyo oo sheegay in wasaaradda Maaliyadda Puntland ay ku kordhisay canshuur cusub.

Cabashada ganacsatada Gaalkacyo, waxay keentay in mudda saddex maalmood ah uu xirmo suuqa weyn ee dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Dhammaan goobaha ganacsiga waqooyiga Gaalkacyo, ayaa la xiray Khamiistii, waxaana ganacsatadu u yeertay warbaahinta, si ay cabashadooda u mariyaan, balse iyaga iyo weriyaashiiba xabsiga ayaa la dhigay, inkastoo saacado kadib la sii daayay.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland, weli wax jawaab ah kama bixin, cabashada ka imaanaysa ganacsatada Gaalkacyo ee la xiriirta Canshuurta lagu kordhiyay.

©PUNTLAND POST