Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Guddiga doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi maalmo ka hor gaaray.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweyne Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in Kulankaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyadda Galmudug diirada lagu saaray sidii Galmudug door Muuqda ay uga qaadan laheyd doorashadda heer Federaal ee 2021-ka.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa dhankeeda ka warbixisay hawlaha guddiga ee ku aaddan arimaha doorashada iyo sida uu guddiga ugu diyaargaroobay doorashada soo socota.
Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa sidoo kale madaxda Cusub ee Galmudug uga mahadcelisay soo dhawaynta ay u sameeyay guddigeeda.
PUNTLAND POST