Soomaaliya oo ku biirtay the Hague Code of Conduct

Midowga Yurub ayaa shaaciyay, in dowladda Soomaaliya ay si rasmiya u saxiixday Xeer-Anshaxeedka loo yaqaan the Hague Code of Conduct, oo mamnuucaya faafidda gantaalaha Balaastikada ee Xambaara Hubka wax gumaada (weapons of mass destruction).

Soomaaliya ayaa noqotay dowladdii 143-aad ee saxiixday Xeer-Anshaxeedkaas, oo magaalada the Hague  ee waddanka Netherlands lagu aas’ aasay 25-kii November ee sannadkii  2002, si loo xakameeyo faafidda gantaalaha Balaastikada ee Xambaara Hubka wax gumaada.

Midowga Yurub, ayaa soo dhoweeyay in Soomaaliya ku biirtay dalalka saxiixay xeer-Anshaxeedka the Hague Code of Conduct, waxaana uu dalalka harsan ugu baaqay in ay saxiixan Xeerkaasi, gaar ahaanna dowladaha haysta gantaalaha Ballistic Missiles-ka.

Sidoo kale, Midowga Yurub, wuxuu sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin the Hague Code of Conduct ,islamarkaana dhammmaan dalalka Xubnaha ka ah Midowgaasi Yurub ay saxiixeen Xeerka.

Halkan ka akhriso qoraalka Midowga Yurub

PUNTLAND POST