Maxamed Cabdi oo sheegay in xasuuqii Somaliland sax ahaa weliba hadda taallaabo militari laga qaado

Ex. Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdi Yuusuf, oo kamid ahaa Ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray xilligii ku meel gaar ah, ayaa sheegay in xasuuqii loo gaystay Somaliland uu ku saxnaa Taliskii Jaalle Siyaad.

 Isagoo wareysi gaar ah siinayay SHABEELLE TV, ayuu sheegay in dowladdii Kacaanka ay dalka ka difaacaysay, jabhadda SNM oo ku soo duushay gobollada Waqooyi Galbeed, si ay dalka intiisa kale uga goooyaan, sidaasi darteedna dhibaatadii dhacday ay mas’uuliyadeeda qaadayso SNM, balse aysan wax qalad ah samayn dowladdii Kacaanka.

Siyaasiga ayaa intaasi raaciyay, in dowladdii Jaalle Siyaad uu waajib ka saarnaa difaaca gobollada Waqooyi galbeed oo ay ku soo duuleen jabhadda SNM oo wadatay calan kale  iyo dowladda Itoobiya wakhtigaas cadaawad xun u qabtay Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in hadda dowladda Soomaaliya ee joogta, ay tallaabo militari ka qaaddo Somaliland, haddii maamulkaas Somaliland wada-hadal xal looga keeni waayo

Hoos ka daawo wareysigiisa oo dhan

PUNTLAND POST