Waa kuma sii haya madaxweynaha Puntland?

Ku simaha madaxweynaha Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay safar ugu baxay waddanka Jabuuti, xilli ay horay dalka uga maqnaayeen madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanka Puntland.

Haddaba, waxaa ilaa shalay baraha bulshada ka socday dood la xiriirta cidda noqonaysa ku-simaha madaxweynaha, haddii ay hal mar dalka ka wada-maqan yihiin saddexdii mas’uul ee ugu sarreeyay.

Haddii aan u laabano Dastuurka Puntland, meelna kuma xusayo cidda sii-hayaha madaxweynaha noqonaysa, marka madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanku ay wada maqan yihiin.

Haddaba, si aan u helno cidda noqonaysa ku simaha madaxweynaha, marka saddexdooduba maqan yihiin, waa in aan mar kale Dastuurka ku laabano, si aan u ogaano Nidaamka dowladeed ee Puntland ku dhisantahay; ma Parliamentary system mise waa Presidentialism?

Parliamentary system: waa nidaamka madaxweynaha ay soo doortan Baarlamanka, sidaas darteedna dowladda nidaamkaas ku dhisan, hay’adda ugu sarraysaa waa Baarlamanka.

Presidentialism: waa nidaamka madaxweynaha ay soo doortaan Shacabka, islamarkaana awoodda ugu sarraysa dowladda ay tahay xukuumadda oo madaxweynuhu hoggaaminayo.

Intaas kadib, Puntland waxay ku dhisantahay nidaamka Parliamentary system ,kaas oo Baarlamanka ka dhigaya hay’adda ugu awoodda sarraysa dowladda, maadaama madaxweynaha iyagu soo doorteen.

Kolkaas, nidaamka Parliamentary system-ka marka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku maqan yihiin, waxaa sii haye noqonaya guddoomiyaha Baarlamanka, haddii uu guddoomiyaha maqanyahayna, waxaa sii hayaha madaxweynaha noqonaya, guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka.

Sidaas darted, Puntland waxaa hadda jooga guddoomiye ku xigeenkii kowaad ee Baarlamanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, isaga ayaana sii hayaha madaxweynaha noqonaya.

PUNTLAND POST