Somaliland: Maya Maya Farmaajo noo imaan mayo

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in aysan marnaba aqbali doonin in madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu socdaal ku yimaado Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta Khudbad u jeediyay Baarlamanka maamulkiisa ayaa si rasmiya u caddeeyay in aysan ogolaan doonin in Farmaajo socdaal ku yimaado Somaliland taasina ay tahay wax aan dhici doonin.

Ma ogolaanayno in Farmaajo Somaliland yimaad. Maya Maya” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbaddiisa kaga jawaabayay wararka sheegaya in Farmaajo socdaal ku tegi doono magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Balse madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in uu aqbalay Raalli-gelintii madaxweyne Farmaajo ka bixiyay Xasuuqii Taliskii Jaalle Siyaad u gaystay Somaliland.

PUNTLAND POST