Muuse Biixi oo faahfaahiyay kulankii isaga iyo madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo khudbad ka jeediyay Baarlamanka maamulkaasi, ayaa markii u horraysay ka hadlay, kulankii dhexmaray isaga iyo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Biixi ,ayaa sheegay in isaga uu casumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kadibna uu si deg deg ah u ajiibay marti-qaadka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ugu sameeyay xafiiskiisa magaalada Addis Abab.

Mudane Muuse, Biixi ayaa tilmaamay in kadib markii uu tegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku wargeliyay, in madaxweyne Farmaajo u soo geli dooni, islamarkaana Abiy dhex-dhexaadin doono Farmaajo iyo Muuse Biixi, sidaasna kulanku ku bilowday.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo labaduba ay aqbaleen dhex-dhexaadinta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, balse aysan jirin wax intaas ka badan oo kulanka looga hadlay.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa i marti qaaday, runtii waa nin isbedelka ka sameynaya Africa hal haleel ayaan ugu tegey anoo ordaya,wuxuu ii sheegey in Farmaajona soo gelayo, Waxaan ku galnay shir aanan qorshihiisa sii ogayn, Abiy ayaa yiri ‘waxaan doonayaa in aan idin dhexgalo wey raagtay, waa arin Africa u taal, ana waan aqbalnay,farmaajona waa aqbalay intaa wax ka badan lama gelin waxtina looma hayn, intaa iyo waa diyaar garoobaynaa ayaan ku kala nimi” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

PUNTLAND POST