Muuse Biixi: Farmaajo waa iska riyoonaya

Anigu Casumaad Rasmi ah ayaan ka helay RW Abye Ahmed.

-Maadama uu jiray Shirkii Midowga Africa, waxaan meesha kula kulmay Madax badan oo kala duwan.

-kadib, RW Abye ayaa xafiiskiisa igu marti Qaaday, salaan iyo Kaftan yar kadib wuxuu ii sheegay in MD Farmaajo asna soo socdo oo Xafiiska soo galayo, Arintaasna kadis bay aniga igu ahayd.

-waxyar kadib MD Farmaajo ayaa noo imaaday, salaan iyo Kaftan kadib, RW Abye ayaa hadlay wuxuuna sheegay in Arinta Somaliya iyo Sland Africa utaal, oo Bariga Africa usii taal hadana uu doonayo inuu asago dhexgalo arintaas.

-Aniga oo Biixi ah iyo Farmaajana waan Aqbalnay in Arintaas RW Abye dhexgalo, Soo jeedinta Abye iyo Aqbalkii aan samayne ma ahaane wax kale oon Farmaajo kawada Hadalnay majirin ayuu dhahay Muuse.

-Sidoo kale waxaan is aragnay Masuuliyiin ka socday Wadamada Sweden iyo Turkey iyo waliba Jabuuti oo ayagu soo riixeen oo wada doonaya in ayaguna arinta wax ka galaan, Anigu si wanagsan ayaan usoo dhaweeyay cidkasta oo doonaysa in Arintaan oo xaliyo.

-Kadib, Farmaajo markuu Muqdisho ku laabtay wuxu baxshay Raaligalin ku saabsan Xasuuqii dhacay, Raali galintaas anigu waan soo dhaweeyay waana bilow Qirasho oo wanagsan, kal Hore MD xasan sheikh baa asna sheegay inuu ka Xunyahay Xasuuqii Sland loo gaystay balse Mida Farmaajo ayaa faah-Faahin dheer lahayd.

-Lkn Raaligalintii aan Aqbalnay waxaa Xumeeyay oon dhibsanay in Farmaajo gadaal ka raacshay hadalkii ahaa Jamhadihii hubaysnaa ayaguna waa inay Dhibka Qirtaan oo raali galin baxshaan.

-intaasba waxaa ka sii daray oo Xumayn kale ah ninkii shalay raali ahaada lahaa oo Dhibkaas Qirtay ayadoon lawada hadlin inuu dhahay Hargeysa ayaan imaanaya taasoo riyo iska ah, go’aan adagna aan ka wada qaadan doono.

-intaas kadib, Muusa Bixii wuxu ku dheeraaday Xoriyadihii 60 kii la helay iyo Qaabkii la iskugu biiray iyo inuusan jirin Axdi ama xeer Dowladeed oo markii la isku biiray aan lakala qoran, iyo waliba dhowr isku day oo saraakiil iyo siyaasiin reer Sland ah ay damceen inay Afgambi iyo Gooni isku tagaan xiligaasba damceen balse ka fashilmay ayagiina lagu laayay qaarkood, Qeybtaan aad ayuu ugu dheeraaday Madaxweyne Biixi.

Ugu danbeyn Hadal hayntii wuxu ku soo koobay “Ma waxaynu yeelnaa in Farmaajo isku sawiro Hargaysaā€¯? Maya, Maya.

WQ: SAYID CABDUL