Maraykanka oo faahfaahiyay duqeyn uu la beegsaday Al-shabaab

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada dowladda Mareykanka u qaabilsan qaaradda afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in weerar ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku beegsadeen Al-Shabaab.

Weerarka oo ahaa duqeyn dhanka cirka ayaa si gaar ah uga  dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalayaasha al-Shabaab.

War saxafaadeedka kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu burburiyay saldhig Al-shabaab halkaasi ku lahaayeen inkastoo aysan faahfaahin sii bixin.

Taliska AFRICOM ayaa intaasi raaciyay in ay xaqiijiyeen duqeyntaas in aan qof shacab ah wax ku noqon waxaana ay ballan-qaadeen in ay sii wadayaan hawlgallada noocaas oo kale ah si loo cirib-tiro Argagixisada.

PUNTLAND POST