Kiis lamid ah kii Caa’isha Ilyaas oo ka dhacay Somaliland

Maydka gabadha yar ee kufsiga iyo dilka loogu gaystay Lughaya

Taliska Booliiska Somaliland, ayaa shaaciyay in ay gacanta ku soo dhigeen, nin ku eedaysan in uu kufsi iyo dil arxan-darro ah u gaystay, gabadh yar oo da’deedu ahayd 15-sano jir.

Taliyaha Booliiska Somaliland Gen. Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in la qabtay shakhsigaasi ku eedaysan kufsiga iyo dilka gabadha yar, oo todobaadkan gudihiisa ka dhacay degmada Lughaya ee gobolka Awdal.

Booliiska Somaliland, weli ma shaacin magaca iyo da’da ninka loo qabtay kufsiga iyo dilka gabadha yar, balse waxay sheegeen in isla maanta loo gudbiyay dhinaca magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, si sharciga loo horgeeyo.

Inta badan kufsiga iyo daroogada ayaa caadi ka noqday degaanno ka tirsan Somaliland, inkastoo kufsiyada ka dhaca halkaas uusan dil wehelin jirin, marka laga reebo mid haatan laga soo sheegay degmada Lughaya ee gobolkaasi Awdal.

Dhacda taasi lamid ah ayaa bishii February 2019-kii ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee Puntland, kadib markii kufsi iyo dil arxan-daran loo gaystay gabadh yar oo 12-sano jir ahayd.

11-kii bishan February 2020 ayaa Puntland cadaaladda marsiisay laba xukmane oo kiiskaasi lagu helay, kuwaasi oo lagu qisaasay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

PUNTLAND POST