Qariidad kala jaraysa Soomaaliya oo la soo dhigay baraha internet-ka Abiy

Baraha internet-ka (Twitter-ka iyo Facebook-ga) ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta la soo dhigay qariidad muujinaysa Soomaaliya oo kala jaray.

Qariidada oo markii dambe dib looga saaray baraha Internet-ka ee Abiy ayaa Somaliland looga dhigay midab wada cad oo isku furan ilaa badda, sidoo kale ka jaran Soomaaliya.

Qariidada la soo dhigay baraha Internet-ka Abiy Ahmed waxaa la socotay fariin ah “Xornimada Dadkayaga – Barwaaqo Umaddeena!”.

Fariinta Abiy oo ku qorneyd afafka Amxaariga, Oromada iyo Ingiriiska ayaa u qarneyd sidan hoose.

ነጻነት ለህዝባችን – ብልጽግና ለአገራችን!

Bilisummaan uummata keenyaaf – badhaadhinni biyya keenyaaf!

Freedom to our People – Prosperity to our Nation!.

Qariidadii la soo dhigay baraha internet-ka Abiy ee la saaray

Muddo 50 qadiiqo ah ka dib ayaa la badelay qariidadii la soo galiyey baraha internet-ka Abiy, waxaana la reebay qariidada Itoobiya.

Qariidadii dambe ee la soo dhigay baraha internet-ka Abiy

Arrintan ayaa durba baraha bulshada ka bilowday falcelin.

Qariidadan la soo dhigay baraha internet-ka ee Abiy Ahmed ayaa lagu soo aadiyey, iyadoo Abiy dhawaan uu kulan siiyey Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, hadana warar soo baxaya ay sheegayaan in Abiy iyo Farmaajo laga yaabo in ay booqdaan Hargeysa.

Sanadkii 2019, waxaa bogga internet-ka ee Wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya la soo dhigay qariidad muujinaysay Afrika, iyadoo Soomaaliya lagu daray Itoobiya, balse wax yar ka dib waa laga saaray.

PUNTLAND POST