Weriye lagu dilay Afgooye

Weriye lagu magacaabo Cabdi Wali Cali Online ayaa galabta lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dilka waxaa geystay kooxo hubeysan, sida ay xaqiijiyeen Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose iyo Television-ka Universal oo ka tirsanaa Weriye Cabdi Wali Cali Online.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa ka hadlay dilka weriyehan, wuxuuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in rag bastoolado ku hubeysnaa ay galabta degmada Afgooye ku dileen Weriye Cabdiweli Cali Online

Guddoomiyaha ayaa laamaha ammaanka degmadaas faray inay baaritaan ku sameeyaan kuwii ka dambeeyay dilka weriyeha.

Dilka weriyehan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmo ka hor hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ay soo saartay warbixin ay ku sheegtay in weerarada, hanjabaadaha, dabagalada iyo cabsi gelinta shaqaalaha warbaahinta ay ku sii badanayaan Soomaaliya, oo ah meesha ugu halista badan adduunka ee suxufi ka shaqeeyo.

Amnesty International ayaa warbixintaas ugu magacdartay ‘Lanoolaashaha cabsida joogtada ah’.

PUNTLAND POST