Qoor Qoor oo hanjabay

Qoor qoor oo booqday ciidamo ka tirsan Federaalka


Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaahiye (Qoor Qoor) ayaa maanta booqday xerada ciidamada 21aad ee magaalada Dhuusomareeb.

Qoor Qoor oo hadal u jeediyey ciidamo halkaas ku sugnaa oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo carqabad ku noqota amniga Galmudug.

“Cidna kama yeelayno in ay amniga Galmudug caqabad ku noqoto, ciidamada waxaan u diyaarineynaa ilaalinta amniga iyo xoreynta degaanada maqan” ayaa yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa kulan gaara la yeeshay saraakiisha taliska ciidamada 21-aad ee Dhuusomareeb.

Dhanka kale magaalada Dhuusomareeb, waxaa kulamo kawada Sheekh Shaakir oo isaguna sheegta Madaxweyne Galmudug.

PUNTLAND POST