Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland Saleebaan Maxamuud Aaden, ayaa ka hadlay safar la sheegayo in madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, ay ku tegayaan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in Ra’iisulwasaaraha waddanka Itooobiya Abiy Ahmed, uu marar badan xukuumadda Somaliland usoo jeediyay safarkaas, balse ay iyagu diiden. Wuxuu intaa ku daray in aysan dilayn, hadii uu Farmaajo Hargeysa yimaado iyagoo u arkaya oday Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha ayaan hadalkiisa caddayn waxa uu uga jeedo ‘oday Soomaaliyeed’ balse arintan ayaa xaqiijin u ah in uu jiro safar la qorsheeyay oo madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaarha Itoobiya ay ku tegaan magaalada Hargeysa.
Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland midkoodna ka soo saaray safarkaasi la sheegay.
Hoos ka daawo hadalka Guddoomiyaha oo dhan
PUNTLAND POST