Maxkamadda Garoowe oo muddaysay Kiiskii Hodan Shanlayste

Eedaysanayaasha Kiiskii Hodan Shanlayste

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa Sabtida maanta ah dhegaysatay, gar-maqalkii u horreeyay ee Kiiska Hodan Shanlayste oo kufsi iyo dil loogu gaystay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Maxkamadda, ayaa maanta la hor-keenay todoba nin oo ku eedaysan kufsigii iyo dilkii, 10-Apriil 2019 Garoowe loogu gaystay Hodan Axmed Shanlayste oo ahayd haweeney xaas ah.

Kadib dhegaysiga dacwadda Xeer Ilaalinta, ayaa maxkamaddu go’aamisay in kiiskaasi mar kale loo fariisto 22-ka bishaan February oo ku beegan Sabtida soo socota.

Sidoo kale, maxkamadda waxa la hor-keenay rag kale oo ku eedaysan dambiyo kala duwan, kuwaasi oo qaarkood xukunno lagu riday, halka qaar kalena dib loo dhigay kiisaskooda.

Maxkamadda, ayaa isla maanta xukuntay kiis kale oo kufsiya, kaasi oo lagu helay nin kufsi u gaystay gabar bikaaro ah( aan weli guursan).

Eedaysanaha ayaa lagu riday 5-sano oo xabsiya, $ 1000 Dollar oo ganaax ah iyo in uu bixiyo wax loogu yeeray “Mahru-misli” oo ah lacag u dhigta meherka gabar bikaaro ah oo la guursaday.

Hoos ka daawo Muuqaalka oo faahfaahsan

PUNTLAND POST