Dil ka dhacay magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cismaan Raage.

Wararka waxay intaas ku darayaan in Cismaan Raage lagu dilay agagaarka Buundada Magaalada Jowhar, lamana garanayo cidda dhabta ah ee ninkaasi dishay.

Ciidamada Booliska oo gaaray halka uu falku ka dhacay ayaa ka qaaday meydka ninkaasi ka dib markii ay dadka degaanka ku soo wargeliyeen dilkiisa.

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaan ka hadlin dilka xalay ka dhacay Magaalada Jowhar.

Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood ka dhaca Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

PUNTLAND POST