Al-shabaab oo shaaciyay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Militariga Soomaaliya

Ururka Al-shabaab ayaa maanta oo Sabtiya  sheegtay in ay khaarajiyeen sarkaal sare oo ka tirsan Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraa ka soo baxay Al-shabaab oo lagu daabacay warbaahinta taageerta ururkaas ayay ku sheegteen in ay hawlgal qorshaysan ku dileen Madaxii SAADKA Guutada lixaad ee Militariga Soomaaliya..

Al-shabaab waxay sheegtay in Gaashaanle dhexe Maxamed Cabdulle  oo ahaa Madaxii SAADKA Guutada lixaad lagu dilay hawlgal qorshaysan oo dagaal-yahannadoodu ka fuliyeen Xaafadda Haanta dheer ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Marka laga reebo sheegashada Al-shabaab ma jirto cid ka madax-bannaan oo warkaas xaqiijsay. Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama jawaabin sheegashada la xiriirta dilka sarkaalkaasi.

PUNTLAND POST