Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shirweynaha Xuquuqda Shaqaalaha

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa, ayaa Magaalada Kampala ee caasimadda waddanka Yugaandha kaga qeyb galay shir looga hadlayay xuquuqda Shaqaalaha iyo daryeelka Bulshada.

Shirkan oo ahaa kulankii 46-aad ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxda 19 Waddan oo Afrikaan ah, iyadoo diiradda lagu saaray xuquuqda Shaqaalaha iyo Tababariddooda, shaqa abuurka iyo la dagaalanka gaajada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa warbaahinta u sheegay in shirkan ay muddo ka maqnaayeen, balse  hadda kadib xubinimadii Soomaaliya ay joogto noqon doonto.

Wasiir Sadiiq ayaa sheegay in tababar iyo kobcin dhanka aqoonta ah loo ballan qaaday in ay heli doonaan shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa soconayay muddo Saddex Cisho ah, iyadoo laga soo saaray war murtiyeed lagu sheegay in layska kaashado dhammaan waxii shirka looga hadlay.

PUNTLAND POST