Hoggaamiyaha Ahlu Sunna oo ku dhowaaqay hub uruursi

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan Faarax oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb waxa uu ka hadlay Xaaladda Amni ee magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in dhacdooyin liddi ku ah Amniga ay waayahaan kusoo kordheen Magaalada Dhuusamareeb, iyada oo ay ku sugan yihiin Ciidamadii gacanta ku hayay mas’uuliyadda Ammaanka.

Macalin Maxamuud waxa uu tilmaamay in aan la aqbali Karin falalka Amni darro ee kasoo cusboonaaday Magaalada Dhuusamareeb, ayna dib u qaadanayaan wax ka qabashada dhibaatooyinka cusub sida uu hadalka u dhigay.

Hogaamiyaha Ahlu Sunna ayaa sheegay in marka ay arkeen Qaraxyada ay muujineyso in Xarunta Galmudug ay u gacan-gashay Al-Shabaab oo ay kala dagaalameen Dhuusamareeb sida uu yiri.

Laga bilaabo XIligaan waxa aan raadsaneynaa waxa aan hub leenahay, waan soo qaadanayenaa oo waan wadaneynaa, Ruux Muslim ah kuma dhibeyno, Dowlad kuma dhibeyno, dad fog kuma dhibeyno, mana u dulqaadan karto waxa socda” ayuu yiri Macalin Maxamuud.

AhluSunna waxa ay horay dowladda Federaalka ku wareejiyay Ciidamo, Hub iyo Gaadiid dagaal, waxaana lagu kala biiriyay ciidamada kala duwan ee DFS, waxaana la dalacsiiay qaar kamid ah saraakiisha ciidanka Ahlu sunna.

PUNTLAND POST