Soomaaliya: Dilalka, musuqmaasuqa iyo faafreebida oo hareeyay xorriyadda saxaafadda

Sawir hore

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay in weerarada rabshadaha wata, hanjabaadaha, dhibaateynta iyo cabsi gelinta shaqaalaha warbaahinta ay ku sii badanayaan Soomaaliya, oo ah meesha ugu halista badan adduunka ee suxufi ka shaqeeyo.

Warbixin cusub oo Amnesty International maanta oo Khamiis ah soo saartay ayey ku sheegtay in ilaa iyo dabayaaqadii 2017, xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya ay xakameeyeen ciidamada amniga ee dawladda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha amniga, mas’uuliyiinta maamul goboleedyada iyo kooxda Al-Shabaab.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda waxay sheegtay in tan xiligaas (2017) ay diiwangelisay dhibaatooyin isugu jira hanjabaado, kadeed, cabsi gelin, jirdilo, dilal, isku day dil, xarig aan sabab lahayn, dhaleeceyn kale iyo xayiraado helitaanka macluumaadka oo loo geysto suxufiyiinta iyo warbaahinta bulshada.

Warbixinta Amnesty International waxaa kaloo lagu xusay in mas’uuliyiinta dowladda ay laaluushaan warbaahinta, si ay ugu shaqeeyaan is-faafreebid.

Amnesty International waxay ugu baaqday dawladda inay ixtiraamto, ilaaliso, kor u qaaddo oo ay fuliso xuquuqda xorriyadda hadalka, iyo xorriyadda saxaafadda kahor doorashada Soomaaliya ee 2021/2020.

Soomaaliya ayaa kow ka ah dalalka aan la maxkamadayn kuwa dhibaateynta u geysta saxaafadda.

PUNTLAND POST