Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa shaacisay in uu is casilay Madaxii Amniyaadka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir.
Qoraal kooban oo hay’addaasi soo dhigtay barteeda Twitter-ka, ayay ku shaacisay iscasilaadda Muuse Macallin oo loo yaqaanno Mucaawiye, kaasi oo sida ay NISA sheegtay isu’ casilay sababa la xiriira khilaaf ka dhex jira ururka Al-shabaab.
Ha’yadda ayaa sheegtay in khilaaf u dhexeeyo laba garab oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana khilaafkaasi uu keenay in uu is-casilo Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee gobolka Banaadir oo raacsan Garabka horjooge Mahad Karataay.
“Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Al-Shaabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin [Mucaawiye], oo 39-jir ah, oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
PUNTLAND POST