In ka badan 15 ruux oo ku dhintay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

Faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ciidamada Itoobiya iyo Kooxda Macawiisley ku dhexmaray degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ku bilowday israsaaseyn dhexmartay dhinacyada iyada oo markii dambana uu sii xoogeystay dagaalka oo la sheegay in ay ku dhinten dad kor u dhafaya 15-ruux o dhamaantood ah dhinacyada dagaalamay.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in dagaalku uu ka dhacay degaanka Afqurun ee duleedka degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan,islamarkaana uu ku bilowday rasaas ay ciidamada Itoobiya ay ku fureen Kooxda Macawiisley.

Ilaa iyo haatan maamulka Hirshabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka kama aysan hadal dagaalkaasi hase yeeshee Itoobiya ayaa u ruuqaansaday dhinaca xuduuda ay wadaagaan labada dal.

PUNTLAND POST