Baarlamanka Itoobiya oo ansixiyay Sharci ka dhan ah Naceybka iyo Cunsuriyadda

Mudanayaasha Baarlamanka Waddanka Ethiopia, ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyay sharci dhigaya in ciqaab adag la marsiiyo dadka ku kaca hadallada naceybka iyo maran-habaabinta ku saleysan.

In ku dhow 300 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Itoobiya, ayaa ogolaatay sharcigaas, halka in ka badan 20 xubnood oo kalena ay diideen, islamarkaana 2 mudan ka aamustay.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa isku raacay, in qofki lagu helo hadallada naceybka ku saleysan iyo wararka been-abuurka ah, uu muteysan doono ganaax lacageed oo gaaraya $3,100 iyo xabsi laba sano ah.

Baarlamaanka ayaa ku qeexay hadallada naceybka ku saleysan in noqon karaan, hadallada cunsuriyadda ah ee lagula kaco koox, iyadoo wax laga sheegayo halka ay kasoo jeedaan, jinsiyaddooda, diintooda ama iin ay leeyihiin.

Sharcigaas  ayay dowladda Itoobiya uga hortageysaa rabshadaha ku saleysan isirka ee kusoo noqnoqday dalka Itoobiya sannadihi dhawaa. Qaanuunkaan ayaa kusoo aaday xilli dalka Itoobiya lagu wado in bisha August ee sannadkaan ay ka dhacaan doorashooyin taariikhi ah.

PUNTLAND POST