Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland ayaa si rasmiya u shaacisay, in la hakiyay dhammaan Shaqada Xafiisyada Nootaayooyinka ee ka furan degaannada Puntland.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland Cawil Sheikh Xaamud, ayaa lagu sheegay in la hakiyay shaqada Nootaayooyinka ka furan Puntland, inta laga hubinayo habsami-usocodka shaqada xafiisyadaasi.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu wargeliyay, in Xafiisyada Nootaayooyinka ay mudda 7 cisho gudahooda ku yimaadan xarunta Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland.
Wasaaradda ayaa digniin ku bixisay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii ku imaan wayda wakhtiga loo qabtay.

PUNTLAND POST