Shirka Golaha Xukuumadda ee maanta oo Khamiis ah Puntland uu Shir-guddoomiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Safarkii Madaxweynaha ee dalka Kenya,Deeqaha lagu helo magaca Soomaaliya iyo aragtida Puntland.
Sidoo kale waxa Golaha looga hadlay Xaaladda Gobolada iyo degmooyinka Puntland (Hindisaha Horumarinta Degmooyinka aan ku jirin Mashruuca JPLG-ga) iyo soo jeedinta guddi qiimeeya lacagaha lagu qaado magaca Dowladda.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey) ayaa markii Shirkaasi soo dhammaaday faahfaahin ka bixiyay qodobadii looga hadlay.
Halkaan ka daawo hadalka Sabareey
PUNTLAND POST