Amnesty International: Kenya waa in ay xirto Wasiir Janan

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa Kenya ugu baaqday in ay si dhaqso ah u xirto wasiirka amniga ee Jubbland Cabdirashiid Janan, oo hadda ku sugan magaalada Nairobi.

War ka soo baxay Amnesty International maanta oo Isniin ah ayaa dowladda Kenya lagaga dalbaday in ay marka ay xirto Wasiir Janan ku wareejiso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Mas’uuliyiinta Kenya waa inay si dhaqso ah u xiraan oo ay ku wareejiyaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ah inay ku fuliso xukunkiisa qaab ku habboon heerarka maxalliga ee caddaaladda, iyadoo aan dib u dhac kale dhicin” ayuu yiri Seif Magango, ku xigeenka Agaasimaha Amnesty International ee Bariga Afrika.

Ku xigeenka Agaasimaha Amnesty International ee Bariga Afrika waxa uu sheegay in aan la aqbali karin in Cabdirashiid Janan oo lagu tuhunsan yahay mas’uuliyadda dambiyo liddi ku ah sharciyada caalamiga ah iyo kuwa xuquuqda aadanaha uu ka baxsado caddaalladda.

“Waa wax aan la aqbali karin in Cabdirashiid Janan, oo lagu tuhunsan yahay inuu mas’uul ka yahay dambiyada hoos imanaya sharciga caalamiga ah iyo ku xadgudubka kale ee xuquuqda aadanaha, uu ka cararay isku dayga in isaga la hor keeno cadaaladda” ayuu mar kale yiri Seif Magango.

31-dii August 2019, Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa Wasiir Janan ka qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

6-dii October 2019, ayaa Wasiir Janan la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho, kadib markii lagu soo eedeeyay in uu galay dambiyo kala duwan, balse maxkamadda ayaa amartay in la soo dhammaystiro caddaymaha loo hayo kiiskiisa.

Cabdirashiid janan waxa uu ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho muddo 5 bilood ah, ka hor inta aan la shaacin, in uu xabsigaasi ka baxsaday.

28-dii bishii January 2020 ayaa Taliye ku xigeenka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya S/Guuto Sakiya Xuseen Axmed, shaacisay in uu xabsiga ka baxsaday, Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan).

31-dii Janaury 2020 ayuu Cabdirashiid Janan tagey magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland, kadib dooni uu ka raacay xeebta Muqdisho.

Wasiir Janan saacado kadib tagitaankiisii Kismaayo, wuxuu u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

PUNTLAND POST