Wasiir Janan oo maanta la soo taagay maxkamadda gobolka Banaadir

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay maxkamad soo taagtay Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray dagmooyinka Doolow iyo Balad-Xaawo oo sida ay tilmaantay ku wada-eedaysan taciyaddo ka dhacay Gobalka Gedo.

Labada mas’uul ayaa dowladdu sheegtay in saaka la soo taagay maxkamadda gobalka Banaadir kadib markii xeer ilaalintu ku soo dacwaysay dembiyo kala duwan oo ay ka geysteen degmooyin ku yaalla gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Cabdirashiid Xasan CabdiNuur(Cabdirashiid-Janan) ayaa Bishii hore ciidanka Booliska Soomaaliya soo qabteen isaga oo socdaal ku marayay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalka Itoobiya.

Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in eedaha loo haysto Wasiirkii Amniga Jubbaland soo dhameystirayso Waaxda dambi barista Booliiska ee C.I.D-da sida ay baahisay wakaaladda SONNA.

PUNTLAND POST