Wasiirka Amniga Jubaland oo Muqdisho lagu xiray

Ciidamada Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garoonka diyaarahada magaalada Muqdisho ku xiray wasiirka Amniga dowlad goboleedka Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan) sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Wasiir Janan oo Transit ku ahaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde kuna sii jeeday dalka Itoobiya ayaa sida la sheegayo waxaa halkaasi ku qabtay Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya inkastoo aan faahfaahin kale laga helin xarigiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore wasiir Janan ugu eedaysay in uu galay dambiyo ka dhan ah banii’aadanimada waxaana maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho ay amartay in la soo qabto balse bishii April ee sannadkan ayaa maxkamadda gobolka Banaadir waxay burisay dacwadihii loo haystay.

Sidoo kale xarigga mas’uulkan ayaa ku soo beegmay xilli uu aad u xunyahay xiriirka dowladda Federaalka iyo Jubaland kadib doorashadii dib loogu doortay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Dowladda ayaa maalmo ka hor soo saartay go’aan diyaaradaha ka yimaada ama u socda magaalada kismaayo lagu amrayo in ay sii maraan magaalada Muqdisho iyadoo banaan-bax go’aankaasi looga horjeedo uu maanta ka dhacay magaalada Kismaayo.

PUNTLAND POST