Sheikh Shaakir oo ka digay in dowladda Federaalku qalalaaso ka riddo Galmudug

Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo maalmo ka hor loo doortay madaxweynaha Galmudug Garabka Ahlusunna, ayaa digniin adag  ka soo saaray doorashada maanta lagu wado, in ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed luuqadda English-ka ku qoran, oo xalay ka soo baxay Xafiiska Sheikh Shaakir, lana  gaarsiiyay Beesha Caalamka, ayaa looga digay  cawaaqib-xumada ka dhalan kartaa, haddii dowladda Federaalku Dhuusamareeb ka qabato doorasho kale.

Sidoo kale, waxaa uu Xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay ka hortimid talooyinkii ay u jeediyeen iyo cabashooyinkoodii ku aadanaa arrimaha hannaanka doorashada.

Wuxuu intaas raaciyay in ay Villa Somalia qaadi doonto mas,uuliyadda wixii dhimasho iyo burbur ee ka dhasha fowdada ay dowladda ka abuurayso Galmudug.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST