
Xildhibaannada Baarlamanka Galmudug ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb, ayaa madaxweyne u doortay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) kadib doorasho maanta ka dhacday halkaasi.
Musharrax Qoor Qoor oo ay dabada ka riixaysay dowladda Federaalka Soomaaliya waxa la tartamay ilaa saddex musharrax oo dowladdu abaabushay si ay ugu camiraan hoolka, kadib markii musharrixiintii ugu muhiimsanaa ay qaaddaceen doorashada Galmudug.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Gacal oo Natiijada ku dhawaaqay, ayaa sheegay in musharrax Qoor Qoor uu ku guulaystay saddex meelood oo laba meel codadka xildhibaannada oo u dhiganta 66-cod.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, ayaa isna loo doortay Cali Daahir Ciid oo helay 46-cod, halka Cabdiqani Sheekh Cali Diini oo ku soo xigay uu helay 31-cod.
Doorashada Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa, ayaa ku soo beegmatay xilli musharrixiintii ugu cad-caddaa ay qaaddaceen doorashadaasi, halka Ahlusunna ay madaxweynaha Galmudug u dooratay Sheekh Maxamed Shaakhir Cali Xassan.
Sidoo kale, Xaaf oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa isna sheegaya in uu weli madaxweynaha Galmudug yahay, waxaana garabkiisu dhowaan doorteen madaxweyne ku xigeen cusub.
Dowladda Maraykanka, ayaa dhankeeda qoraal ay goor dhoweyd soo saartay ku hambalyeysay madaxweynaha maanta lagu doortay Dhuusomareeb Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.
PUNTLAND POST