Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Sabtiya xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulanka madaxweynaha iyo safiirka looga wada-hadlay, xoojinta xiriirkaa wada-shaqayneed ee Midowga Yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, iyo sidoo kale taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada Somaliland.
War-saxaafadeedku wuxuu intaasi sii raaciyay in kulanka sidoo kale looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay Midowga yurub ku taageeraan Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed.
Madaxweynaha Somaliland, waxa kulankaas ku wehelinaayey, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta, Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi).




PUNTLAND POST