Wasiir Janan oo gaaray magaalada Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland, ayaa xaqiijinaya in halkaasi uu maanta gaaray, Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan, oo maalmo ka hor dowladda Soomaaliya ay sheegtay in uu ka baxsaday meel uu ku xirnaa.

Janan ayaa la sheegay in uu Kismaayo ku tegay dooni uu ka raacay xeebta Muqdisho, waxaana hadda la geeyay guriga Martida Jubbaland ee magaalada Kismaayo, halkaasi oo soo dhaweyn loogu samaynayo.

Taliye ku xigeenka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya S/Guuto Sakiya Xuseen Axmed, ayaa 28-dii bishan January Shaacisay in uu xabsiga ka baxsaday, Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan) oo mudda 5 bilood ah magalada Muqdisho ugu xirnaa dowladda Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay, ayay ku sheegtay in Wasiir Janan uu saaka ka baxsaday halkii uu ku xirnaa, islamarkaana ay ku raad-joogan hay’adaha Amniga, si gacanta mar kale loogu soo dhigo.

31-dii August 2019, Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa Wasiir Janan ka qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Ethiopia.

6-dii October 2019, ayaa sidoo kale la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho, kadib markii lagu soo eedeeyay in uu galay denbiyo kala duwan, balse maxkamadda ayaa amartay in la soo dhammaystiro caddaymaha loo hayo kiiskiisa.

Wixii intaas ka dambaysay, Cabdirashiid janan waxa uu ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho ka hor inta aan  la shaacin, in uu xabsigaasi ka baxsaday.

PUNTLAND POST