Khamri iyo Xashiish badan oo maanta lagu gubay magaalada Garoowe

Khamriga iyo Xashiishka la gubay

Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa maanta duleedka magaalada Garoowe waxay ku gubeen maandooriyaal ka kooban khamri iyo xashiish oo ciidamadu ku qabteen hawlgallo kala duwan oo ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolka Nugaal.

Maandooriyahaan ayaa lagu sheegay midkii ugu badnaa abid ee lagu qabto Puntland waxaana in gacanta lagu dhigo ka qeyb qaatay dad muwaadiniin ah oo bixiyay xogta Qamriga iyo xashiishka, sida ay sheegeen Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal.

Halka lagu gubayay Maandooriyaasha waxaa goob joog ahaa wasiiro ka tirsan dowladda Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo dowladeed.

Saraakiisha Booliiska ayaa digniin adag goobta uga diray dadka caadaystay in ay gudaha Puntland soo geliyaan daroogada noocyadeeda kala duwan waxaana ay sheegeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto.

PUNTLAND POST