Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dhisme ay Al-shabaab lee yihiin la duqeeyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in duqeyn horleh oo laga fuliyay gudaha degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe lagu bar-tilmaameedsaday  dhisme ay lahaayeen Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in iyadoo iskaashi lala samaynayo dawladda Maraykanka duqayntaasi lagu burburiyey dhismahaasi.

Illaa hadda lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkaasi.

Waa duqayntii labaad ee toddobaadlan gudihiis Maraykanku ka gaysto nawaaxiga magaalada Jilib. Maalintii Insiintii ayaa duqayn ka dhacday agagaarka Jilib lagu dilay xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab.

PUNTLAND POST