Beesha Caalamka oo war ka soo saartay xaaladda Galmudug

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey xaaladda siyaasadeed ee Galmudug.

Qoraal ay wada jir u soo saareen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Jabuuti, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-gobaleedka IGAD, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Norway, Suudaan, Sweden, Turkey United Kingdom, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in dhammaan saamileyda Galmudug ay diirada saaraan baahida loo qabo in laga qeybqaato geedi socod loo dhan yahay, lagana fogaado qatarta xasilloonida iyo isku dhaca.

Beesha Caalamka ayaa ka codsatay hoggaanka goleyaasha dowlad-gobolleedka Galmudug, murashaxiinta madaxweynaha, Ahlu-sunna Wal-Jamaaca, daneeyayaasha ku soo wada uruuriyay Gaalkacyo iyo wakiillo ka socda Dowladda Federaalka inay goob-joog ka ahaadaan geedi-socodka si loo helo doorasho loo wada dhan yahay oo hufan.

Beesha Caalamku waxay ka digtay in la bilaabo howlo kale, iyadoo aan la xalin khilaafka.

PUNTLAND POST