Soomaaliya oo kaga qeyb-galaysa shirka Midowga Baarlamaanada Islaamka

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaaray caasimadda dalka Burkina-faso ee Ouagadougou.

 Guddoomiyaha waxaa Garoonka diyaaradaha magaaladda Ouagadougou ee Caasimadda dalkaasi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Purkina Faso iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamankooda.

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ugu horrayn u mahadceliyay mas’uuliyiintii soo dhoweeyay ayaa sheegay in uu magaalada Ouagadougou kaga qeyb-galayo kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalkan Purkina Faso Alassane Baka Sakandé oo dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wefdigiisa kusoo dhoweeyay dalka Purkina faso ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wefdi Soomaaliya ka socda ay dalkooda kusoo dhoweeyaan.

Saaka oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in caasimadda dalkaas ku yaalla galbeedka Afrika ee Purkina Faso uu ka furmo kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowlaha Islaamka oo sanadkiiba mar la qabto.

PUNTLAND POST