Muxuu daarnaa kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo ururada warbaahinta?

Ururada warbaahinta Soomaaliya ayaa xalay oo ahayd 26 Janaayo 2020 kulan la qaatay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ururada Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay walaaca ay ka qabaan sharciga qallafsan ee Saxaafadda, waxayna si wadajir ah uga codsadeen madaxweynaha in uusan saxeexin sharciga saxaafadda ee cabashadu ka jirto ee ay wada meel mariyeen dhawaan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sharciga cusub ee Saxaafadda waxaa ku jira qodobo adag oo cadaadis adag saaraya saxaafadda, isagoo ka horimanaya Qodobka 18-aad ee Dastuurka dalka oo si cad u muujinaya in “Qof kastaa xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa u muujiyo si madaxbannaan”.

Ururadii Saxaafada ee la kulmay Madaxweyne Farmaajo oo ahaa FESOJ, SOMA iyo SWJ ayaa sheegay in madaxweynuhu dhagaystay welwelka ay u gudbiyeen saxafiyiinta Soomaaliyeed ee la xiriira sharciga Saxaafadda iyo qodobbada ugu daran ee culeyska leh ee ku jira sharciga Saxaafadda, sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu la tashiyo sameyn doono isla markaana uu tixgelin doono soo jeedinta iyo walaaca ay soo gudbiyeen bahda warbaahinta Soomaaliya.


Guddoomiyaha FESOJ Abaadir C/qaadir Cilmi iyo Xoghayaha Guud ee FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ,Axmed Ciise Guutaale oo SOMA ka socday iyo Amina Ladan Axmed oo ka socotay SWJ oo si gaar gaar ah kulanka uga hadlay ayaa si isla mid ah hoosta uga xariiqay in sharcigan weli yahay mid taagtaagan oo dabraya warbaahinta sidaa awgeedna ay wadajir uga codsadeen in madaxweynuhu aanu saxiixin Xeerkan.

PUNTLAND POST