Khayre oo saagootiyay ciidamo dhamaystay Tababar oo dagaal loo qorsheeyay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan ciidamada dowladda  oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab

Ciidanka oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed, waxuuna kula ballamay in Al-shabaab ay ka xoreeyaan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday ciidamada in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabka qaybta ka qaadanaya cirib tirka Al-shabaab, ayaa sidoo kale saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, u cadaalad falaan, tusaale wanaaggsanna u noqdaan ciidanka.

Ciidamo horey loogu tababaray Xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howl gallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fuliyeen qaar kamid ah gobollada Koonfurta Soomaaliya.

PUNTLAND POST