Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Bulshada Rayidka ah

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland TPEC ayaa maanta xarunta dhexe ee magaalada Garowe kulan kula qaatay xubno ka socday bulshada rayidka ah, xarumaha aqoonta; sida laamaha cilmibaarista, jaamacadaha, ururada haweenka, dhallinyarada iyo warbaahihta.

Kulanka oo ahaa isxog-wareysi iyo in Guddiga iyo Bulshada Rayidka ah bishiiba mar ay shir noocaan oo kale ah.

Waxaa shirka furay Guddoomiyaha Guddiga Mudane Guuleed Saalax Barre oo soo dhoweeyay kasoo qaybgalayaasha isaga oo uga waramay wixii TPEC u qabsoomay iyo qorshaha guddiga ee bisha soo socota iyo ahmiyadda iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in xubnaha TPEC ay safar ugu amba baxayaan gobolada oo ay la kulmayaan qaybaha bulshada, xilli dhowna la hawlgalindoono xafiisyadii Guddiga ee Gobolada.

Faysal Axmed Warsame, guddomiyaha dalladda bulshada rayidka ah ee PUNSAA oo hadal mahadcelin ah jeediyey ayaa sheegay sida qaybaha bulshada rayidka ay uga go’antahay dhankooda taaba-galinta qorshada dimoqaraadiyeynta Puntland.

Wuxuu bogaadiyay shaqada ay hayaan guddiga isagoo sheegay in qorshayaasha socda ay horseed u noqon doonaan sidii loo hirgalin lahaa hannaanka axsaabta badan.

PUNTLAND POST